Keating oo ka hadlay fursadda dowladda Farmaajo ay haysato

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating, ayaa ka hadlay shaqooyinka horyaal Dowlada cusub ee uu hogaaminaayo Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo.

Michael Keating, ayaa sheegay in Dowlada cusub ay ka fursado badan tahay kuwii ka horeeyay waxa uuna farta ku goday in fursada ugu muhiimsan ay tahay inay heysato kalsoonida shacabka.

Michael Keating, waxa uu sheegay in Madaxda cusub looga baahan yahay inay kaashtaan kuwii ka horeeyay si loo daweeyo daldaloolada aysan buuxin Dowladihii hore.

Michael Keating, ayaa soo hadalqaaday Ra’isul wasaaraha cusub ee uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo waxa uuna sheegay inay la shaqeyn doonaan.

Keating, waxa uu ku baaqay in Siyaasiyiinta iyo shacabka ay si dhow ula shaqeeyan Ra’isul wasaaraha cusub waxa uuna arrin muhiima ku sheegay in Madaxweynaha Somalia uu ka shanqariyay in sababta uu u xushay Ra’isul wasaaraha ay tahay inay is fahmayaan.

”Waxaa muhiim ah in Somalia ay hesho Madax is fahansan oo aan isku khilaafi karin howlaha Qaranka waxaan tixgalineynaa go’aanka uu Madaxweynaha ku magacaabay Ra’isul wasaaraha waana la shaqeyn doonaa”

Michael Keating, ayaa sidoo kale Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka faa’iideystaan Dowlada Cusub ee la saadaalinaayo inay ka duwan tahay kuwii hore waxa uuna ku taliyey in Dowlada qudheeda ay garab u noqoto shacabka si loo helo Dowlad iyo shacab ay ka dhexeyso wada shaqeyn.

Haddalka Michael Keating, ayaa imaanaya xili Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu ballanqaaday in ahmiyada koowaad uu siin doono shacabka, Ciidamada, Cadaalada iyo Amniga.

Caasimada Online
Xafiiiska Muqdisho
Caasimada@live.com