Maxaa looga hadlay kulankii xalay ee Farmaajo iyo xildhibaanada?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayaa habeenimadii xalay kulamo kala duwan Madaxtooyada Somalia kula qaatay qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia.

Madaxweynaha ayaa Xildhibaanada ka dalbaday in codka kalsoonida ay siiyaan Ra’isul wasaaraha magacaaban Xasan Kheyre, oo maanta hortagaya baarlamanka.

Farmaajo ayaa Xildhibaanada u sheegay in looga baahan yahay inay ka dhabeeyan isbedelka Siyaasadeed waxa uuna ku dhiira galiyay inay ku taagnaadan mowqifkii ay ku doorteen 8 Feb, 2017.

“Waxaan dooneynaa in Xildhibaanada ay ka dhabeeyan mowqifkooda ku aadan badbaadinta dalka, waxaan uga bixi karnaa inaan taageerno wixii maslaxad u ah umadda Soomaaliyeed, sidaa darteed waxaan idinka codsanayaa inaad kalsoonida siisaan Ra’isul wasaaraha”

Farmaajo waxa uu sidoo kale sheegay inuu ka dhabeynaayo dalabkii ku aadanaa dhisida Dowlad cusub oo ka madaxbanaan Khilaaf, waxa uuna u sheegay inuu kalsooni ku qabo Ra’isul wasaaraha magacaaban, sidaa darteedna uu noqon doono mid dhameysta 4sano ee soo socta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Xildhibaanada dib u xusuusiyay in Khilaafyada u dhexeeya Madaxda uu saameyn ku yeeshay midnimada Somalia, hayeeshee waxa uu mar kale ka dalbaday inay meelmariyaan Ra’isul wasaaraha cusub si meesha looga saaro Khilaafka ka dhextaagnaa Madaxda Soomaalida.

Xildhibaanada uu la kulmay Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyay dalabka ku aadan in codka kalsoonida lasiiyo Xasan Kheyre oo la magacaabay Feb 23, 2017.

Dalabka Madaxweyne Farmaajo ayaa imaanaya xili maanta oo Arbaco ah kuna beegan 1-da bisha March uu Xasan Kheyre hortagi doono Baarlamaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com