Madaxweyne CAGJAR oo xubinnimo muhiim ah ka dalbaday dowlada Ethiopia

Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha DDS Mustafe Maxamed Cagjar ayaa markii ugu horeysay dowlada Ethiopia ka dalbaday in maamulkiisa laga qayb galsho shirka golaha ee maamulka talada dalkaasi haya ee la magacbaxay EPDRF.

Madaxweyne Cagjar, ayaa golaha maamulka talada dalkaasi haya ka dalbaday in loo sahlo kamid noqoshada shirarka waxa uuna tilmaamay in ahmiyad gaara uu u leeyahay shirarkaasi.

Cagjar, waxa uu sheegay in maamulkiisa xiligaan uu u baahan yahay inuu ka dhexmuuqdo maamulada kale ee ka jira Ethiopia, isagoo carab dhabay in taa lagu gaari karo in Golaha maamulka talada dalkaasi haya laga helo aqbalaad.

Mustaf Cagjir waxa uu xusay in arrintasi maamulkiisa ay u horseedi doonto horumar iyo sidoo kale inay helaan isku filnaasho, maadaama ay hadda ka soo kabsanayaan rabshado colaadeed.

Waxa uu tilmaamay in maamulkii hore ay ka dhaxleen kacdoono iyo dhibaatooyin sababay kalsooni daro, hase yeeshee ay iminka doonayaan inay u talaaban isbedel iyo wax wada qeybsi.

Waxa uu Madaxweyne Mustafe Maxamed cagjar sidoo kale sheegay inuu rajo wayn ka qabo in xubno badan ay ku yeeshan golaha Wasiirada ee ka soo jeeda qowmiyada Soomaalida ah ee degan degaanada ay maamusho Ethiopia.

Haddalka Cagjar ayaa muujinaaya in maamulka Soomaalida uu dhibaatooyin kala kulmay ridista Cabdi Cumar, taa oo sababtay kacdoon ku daatay dhiig badan.

Caasimada Online

Xafiiska Jigjiga

Caasimada@live.com