Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed oo geeriyooday

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa goordhow ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida ay xubno ka mid ah qoyskiisa iyo ilo-wareedyo kale u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Wararka ayaa sheegaya in Cali Mahdi Maxamed uu maalmihii ugu dambeeyey ku xanuunsanaa oo uu ku jiray isbitaal ku yaalla Nairobi, ayada oo laga helay cudurka COVID-19.

Cali Mahdi Maxamed waxa uu 1-dii Janaayo 1939-kii ku dhashay tuulada Cadow-uul oo u dhow degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Waxa uu ahaa 82 jir.

Waxbarashadiisii Schoolka ayuu ku qaatay magaalada Muqdisho, waxuuna 1959-kii fursad u helay inuu Jaamacad u aado magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Sanadkii 1969-kii ayuu xubin ka noqoday baarlamaankii Soomaaliya, waxuuna xilligaas ahaa Xildhibaanka ugu da’da yar.

Isla sanadkaas markii ay talada dalka la wareegtay dowladdii militeriga ee uu hoggaamanayey Maxamed Siyaad Barre, waxuu ku biiray wasaaradda caafimaadka, waxuuna ka gaaray illaa heer Agaasime Guud.

Sanadkii 1977-kii ayuu Cali Mahdi ka ruqseystay shaqadii dowladda Soomaaliya, waxuuna u wareegay ganacsi u gaar ah.

Intii u dhaxeysay sanadihii 1977-1990-kii Cali Mahdi waxuu ka mid ahaa ganacsatadii faro ku tiriska aheyd ee ugu waaweeyneed dalka.

Sanadahii sideetamaadkii Cali Mahdi waxuu ka mid ahaa koox aqoonyahanno iyo odayaal Soomaliyeed ah oo ku midoobey ururkii ‘Manifesto’ waxayna xiligaas madaxweynihii talada hayey Maxamed Siyaad Barre ka dalbadeen inuu xilka ka dego inta uusan burburin dalku.

Markii xukunka laga tuuray Maxamed Siyaad Barre ayaa Cali Mahdi Maxamed waxay Ururkii USC (United Somali Congress) oo la wareegay talada Muqdishu iyo meelo kale oo waddanka ah, ay 28-kii Janaayo 1991-kii u doorteen inuu noqday madaxweynihii afaraad ee Soomaaliya.

Durba waxaa madaxweyne Cali Mahdi aqoonsaday beesha caalamka. Hase yeeshee maacaabista Cali Mahdi waxaa kasoo horjeestay mid ka mid ah hoggaamiyayaashii labada garab ee ururka USC Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid, taasi oo horseeday dagaal sokoeeye oo dalka ka qarxa.

Mar kale ayaa ururrada talada ka tuuray Maxamed Siyaad Barre ay ku kulmeen magaalada Jabuuti bishii July 1991, waxaanay ay mar kale u doorteen Cali Mahdi inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya.

Hase yeeshee dagaallo adag ayey dowladiisii kala kulantay jabhadihii hubeysnaa ee burburiyey dowladdiika horeysay ee Maxamed Siyaad, waxuuna dalku galay dagaallo sokeeye oo daba dheraaday.

Dagaalka ugu aday waxuu Muqdisho ku dhex maray garabkii uu hoggaaminayey iyo garab kale oo uu hoggaaminayey Jeneraal Maxamed Farax Caydiid, waxaana Xamar ku dhex maray dagaal loo yaqaano ‘Afar biloodkii.’

Sanadkii 2000 ayuu Cali Mahdi xilkii madaxtinimada ee loo dhiigay 1991-kii ku wareejiyey Madaxweynihii shanaad ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xasan, xilligaas oo dowlad ku meel gaar ah lagu soo dhisay magaalada Carta ee dalka Jabuuti.

Allaha u naxariistee Cali Mahdi Maxamed ayaa waayihii dambe ku noolaa magaalada Muqdisho, kumana jirin siyaasadda, markii laga reebo talooyin wax lagu toosi karo oo dhowr jeer uu u jeediyey dowladda iyo guud ahaan Soomaalida.

Sidoo kale waxuu waayihii dambe ka mid ahaa odayaal iyo waxgarad u ololeynayey in gobolka Banaadir loo dhiso maamul madax-banaan, si dadka ku nool ay u helaan metelaadda ay xaqa u leeyihiin.