Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminaayo ayaa maanta booqasho rasmi ah ugu baxay Dalka Isku-taga Imaaraadka Carabta.
Safarka madaxweynaha Somaliland ayaa imaanaya kadib marti qaad rasmi uu ka helay dowladda Imaaraadka Carabta oo haatan xiriir xooggan la leh maamulka Hargeysa
Madaxweynaha Somaliland ayaa waxaa safarkan ku wehlinaya wasiirro ka mid ah xukuumaddiisa, kuwaas oo qayb ka ah wada-hadallada labada dhinac.
Ciro iyo wafdigiisa waxay Imaaraadka ku sugnaan doonaan dhowr cisho, iyaga oo kulamo kala duwan la yeelan doona madaxda dalkaas oo haatan galaangal xoogan ku leh arrimaha Somaliland. Labada dhinac ayaa si gaar ah uga wada-hadli doona arrimaha mudnaanta u leh labada dowladood iyo labada shacab.
Safarkan ayaa kusoo aadayo iyadaoo laba todobaad ka hor Imaaraadka Carabta laga saaray gudaha Soomaaliya, ka dib markii Dowladda Federaalka ay baabi’isay dhammaan heshiisyadii lala galay xukuumadda Abu Dhabi
Si kastaba, Somaliland ayaa haatan wadda dhaq-dhaqaaq culus oo la xiriira arrinta ictiraafka, kadib markii ay aqoonsi ka heshay xukuumadda Israa’iil.
Dhawaan Cabdiraxmaan Cirro oo tegay magaalada Davos ee dalka Switzerland ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog iyo wiilka madaxweynaha Mareykanka Eric Trump, oo ay ka wada-hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka u bilaabmay Tel Aviv iyo Hargeysa iyo sidii loo dhameysitiri lahaa heshiisyada ay gaareen labada dhinac.
Kulankaas oo casho sharaf ahaa waxa sida oo kale k qayb-galay siyaasiyiin caan ah hoggaamiyeyaal caalami ah iyo shakhsiyaad saameyn ku leh masraxa caalamiga ah, oo uu ka mid ahaa Eric Trump, wiilka Madaxweynaha Maraykanka

