Waxa aan ballanqaadeynaa ciddii diidda baaqeyna in aan wax arxan ah u galeyn, ma qarsaneyno, waxa aan Ciidamada ammaanka farayaa in ciddii cadaw ku ah Bulshadaan ku toogta goobta aad ku aragtaan” ayuu yiri Madaxweyne Deni

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Puntland ay leedahay cadow leh wejiyo kala duwan, islamarkaana ay la dagaalami doonaan.

“Cadawga hadda jira waxa uu yeeshay waji kala duwan, waxaana rajeynayaa in lagu dhiirado wax ka qabashadooda, Cid waliba oo fal dambiyeed gasha oo hubeysan ama goob weerarto waa in lagu fuliyaa go’aankaas” ayuu sii raaciyay Madaxweyne Deni.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si looga wada shaqeeyo amniga iyo horumarka Puntland.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo shalay ciidamada ammaanka ay Garoowe ku rasaaseeyeen dad dhigayey dibax-bax cabasho ah, taas oo dhalisay khasaare u badan dhaawac.