Muxuu ahaa ujeedka kulanki MUQDISHO ku dhex maray Qoor Qoor iyo Cumar Filish?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Kulanka oo ka dhacay guriga uu Muqdisho ka dagan yahay Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa labada mas’uul waxa ay uga hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan marxaladda adag ee lagu jiro xilligan kala guurka ah, kadib go’aankii Golaha Shacabka.

Sidoo kale labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay wada shaqeyn dhex-marta Galmudug iyo gobolka Banaadir.

Wararka qaar ayaa sidoo kale sheegaya in Madaxweyne Qoor-Qoor iyo guddoomiye Cumar Filish ay ka wada-hadleen arrimo ku aadan shirarka Dhuusamareeb iyo sidii maamulka gobolka Banaadir uu qeyb uga noqon lahaa shirka kale ee lagu ballasan yahay.

Duqa Muqdisho ayaanan ka qeyb-gali wejiga koowaad iyo midka labaad shirarkii ka dhacay caasimada Galmudug ee madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada.

Si kastaba ha’ahaatee Madaxweynaha Galmudug oo maalin ka hor soo gaaray Muqdisho ayaa bilaabay kulamo siyaasadeed isagoo olole uu ugu jiray in beeshiisa la siiyo kursiga ra’iisul wasaaraha cusub ee la magacaabayo, kaas oo bedalay, Xasan Cali Khayre.