DF Soomaaliya oo warqad warbaahinta laga qariyay u dirtay dhiggeeda KENYA

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa la ogaaday in dowladda Soomaaliya ay warqad laga qariyay saxaafadda u dirtay dhigeeda Kenya, waxeyna aheyd codsi ku saabsan xad gudubyada dhanka hawada.

Sida ay ogaatay Caasimadda Online, warqadaas waxaa la diray 13-kii bishii lasoo dhaafay waxaana si gaar ah diirada loogu saaray dhacdo 9-kii June ay ku lug yeelatay diyaarad nuuca xamuulka qaada ah oo ku sumadan 5YDMZ.

Sida gadaal laga ogaaday diyaaradda waxey ka duushay Muqdisho iyadoo sheegtay iney qof xanuunsan kasoo qaadi doonto magaalada Af-Madow ee ka tirsan gobolka Jubada Dhexe.

Waxaa la ogaaday iney qaad kasoo qaaday Dhoobley isla markaana timid duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan garoonka Cisaley oo uu ku yaalo garoon macmal ah.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in diyaaradda ay dib ugu laabatay Kenya kadib markii ay soo galiyeen gayiga Soomaaliya qaadka, waxaana la helay xog ku saabsan iney damiyeen aaladaha lagala socon lahaa halka ay marayaan.

Warqadda ay dowladda Soomaaliya u dirtay dhigeeda Kenya waxaa looga codsaday iney shaqada ka ceyriso labadii duuliye ee waday diyaaradii xad-gudubka sameysay.