Mahdi Guuleed oo amar ku soo rogay Bankiga Dhexe

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sii hayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta kormeer howled ku tagay xarunta Bangiga dhexe Magaalada Muqdisho, halkaasi oo amar culus uu kusoo rogay.

Mahdi Maxamed Guuleed ayaa inta uu ku guda jiray kormeerkiisa, wuxuu maamulka Bangiga dhexe kala hadlay dardar-gelinta shaqooyinka qaranka ay u hayaan iyo qodobo kale oo lagama maarmaan u ah socodsiinta howlohoda.

Kormeerkaan ayaa qeyb ka ah dadaal la doonayo in lagu xoojiyo waxqabadka hey’adaha dowladda iyo siddii loo dardar geli lahaa shaqooyinka loo hayo bulshada si uusan gaabis ugu imaan adeegyada kala duwan.

Sida ay ogaatay Caasimadda Online,  Mr Guulleed ayaa ku amray maamulka Bank-ga dhexe inaan lacag laga bixin karin Bankiga inta lagu jiro xaalada kala guur ah ee Dalka.

“Maanta waxaan booqday Bank-ga dhexe ee Soomaaliya waxaan kula kulmay Gudoomiyaha iyo gudoomiye kuxigeenka . Waxaa la iiga warbixiyay isbadallada muhiimka ah ee taageeraya hormarinta maaliyadeed ee kobaca iyo ganacsiyada. Waxaan sidoo kale ka wada hadalnay doorka muhiimka ah ee Bankigu ku leeyahay in uu sii wato wakiilka maaliyadeed ee Soomaaliya” ayuu yiri Mr Guuleed.

Tan iyo markii uu Madaxweyne Farmaajo 25 Bishaan sii hayaha xilka Ra’iisulwasaaraha u magacaabay Mr Guulleed ayaa wuxuu booqday xurumaha dhaqaalaha dalka sida Wasaaradda Maaliyada, Dekada iyo maanta oo uu booqday Bank-ga dhexe.