Madaxweyne DENI oo war kasoo gaaray geeridii ku timid wasiir Cabdi Ismaaciil

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullahi Deni ayaa ka hadlay Allaha u naxariistee geeridii ku timid wasiirkii hore ee wasaaradda beeraha iyo waraabka ee maamulkaasi, Marxuum Cabdi Ismaaciil Boss.

Ugu horreyn Deni ayaa tacsi u diray Ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, eheladii iyo qoyskii uu ka baxay marxuumka oo saaka xanuun u geeriyooday.

“Madaxweynaha Puntland waxa uu tiiraanyada geerida Wasiirka la wadaagayaa ummadda Soomaaliyeed, Shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay marxuumku, waxa uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro , Jannatul  fardawsana ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo eheladiisii,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay madaxtooyada maamulka Puntland.

Sidoo kale madaxweyne Deni ayaa sheegay in wasiir Cabdi Ismaaciil Boss uu wax badan ka soo qabtay dowladninada dalka iyo sidoo kale horumarka Puntland.

“Cabdi Ismaaciil Boss ayaa waxbadan kasoo shaqeeyay Dowladdnimada iyo horumarka Puntland, wuxuu soo noqday Wasiirkii Beeraha iyo Guddoomiyaha Bangiga Puntland,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaalieed ee Puntland ayaa Alle uga baryey marxuumka inuu ka waraabiyo naxariistii Janno.