Saraakiil ka tirsan Shabaab oo duqeyn lagu khaarijiyey

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa faahin faahin dheeraad ah ka bixisay howl-gal ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo diyaaradaha Mareykanka, kaasoo ka dhacay Jubada Hoose.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in duaqeyntaasi ay ka dhacday agagaarka degmada Jamaame iyo Dab Shiniile, isla markaana lala beegsaday xubno ka tirsanaa dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in weerarkaas lagu dilay 3 sarkaal oo ka tirsanaa Al-Shabaab, una qaabilsanaa fududeynta miinooyinka iyo qorista maleeshiyaadka.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in duqeyntan lagu dilay Suldaankii Beesha Habar Gidir oo ay horay u caleema saartay Al-Shabaab, kadib munaasabad ka dhacday Jubooyinka.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi iyo khasaaraha rasmiga ah ee kasoo gaaray.

Tan & markii la guda-galay sanadkan cusub ee 2021-ka Mareykanka ayaa ina ka badan shan weerar ka kala fuliyey gobollada Shabeelaha Hoose, Baay, Bakool iyo Jubbooyinka.