Ururada bulshada rayidka oo war cusub kasoo saaray doorashooyinka dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha ururada bulshada rayidka Mudane Cismaan Tahliil Shaatax oo la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan khilaafka siyaasadeed ka taagan doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Shaatax ayaa sheegay in ka bulsho rayid ahaa ay wadaan dadaallo xal loogu raadinayo muranka ka taagan doorashooyinka dalka.

Sidoo kale wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyey in xal mideysan la gaari doono ka hor 8 February ee sanadkan ee 2021-ka..

Guddoomiyaha ururada bulshada rayidka Mudane Cismaan Tahliil Shaatax oo hadalkiisa sii wat ayaa shaaca ka qaaday in qodobada la’isku hayo ay yihiin guddiga doorashada, Somaliland iyo arrinta gobolka Gedo, islamarkaana ay ku baaqayaan in xal laga gaaro.

“Waxaan dareensanahay bulshada rayidka oo dhex dhexaad ka ah arrimaha, inay howshooda sii wadaan, rajooyinka aan ka qabno waxaa in xal la gaaro ka hor 8 February, in laga shaqeeyo qodobada la isku haayo, gaar ahaan saddexda arrimood sida arrinta Guddiga, Somaliland iyo Gobolka Gedo” ayuu yiri guddoomiye Cismaan Tahliil Shaatax.

Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in la’isugu yimaado shirweyne kale oo ay qeyb ka tahay bulshada rayidka, si looga wada-hadlo khilaafka ka jira dalka iyo doorashooyinka.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo weli is mari-waa uu ka taagan yahay hannaanka doorashada dalka, islamarkaana uu sii dhammaanayo waqti loo qorsheeyey in la qabto.