Madaxweyne Erdogan oo qaaday tallaabo caalamka uu hadal hayo

Ankara (Caasimada Online) – Amar kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan ayaa waxaa shaqada looga eryay ciidamo tiradooda lagu sheegay 8777.

Amarka Erdogan ayaa waxaa sidoo kale xabsiga lagu dhigay abaabulayaashii Afganbiga oo tiradooda lagu sheegay 6kun kuwaasi oo xiriiro kala duwan la lahaa Kooxdii abaabushay Afganbiga.

Dadka laga eryay shaqada ayaa waxaa ku jira Jeneraalo, Saraakiil, Garsoorayaal iyo Xubno kale oo ay tuhuntay dowlada Erdogan.

Wasaarada arimaha gudaha ayaa sheegtay in dadka shaqada laga fadhiisiyay ay kamid yihiin 30 duq magaalo, 52 baarayaal shacab ah iyo 16 la-taliyaal sharci ah.

Sidoo kale, danbiga Afganbiga ah ayaa waxaa Maxkamada loo horgeeyay saraakiil tiradooda lagu sheegay 30 kuwaasi oo lagu eedeenayo inay yihiin kuwii ka danbeeyay afgambiga dhicisoobay.

Dadka lasoo taagay Maxkamada ayaa waxaa ku jiri doona kuwo lagu abaalmarin doono dil toogasho ah iyo kuwo kale oo iyaguna lagu abaalmarin doono xabsi daa’in.

Dhanka kale, Madaxweyne Erdogan waxa uu Maxkamada ka dalbaday inay kala saarto dadka shacabka ah ee qeybta ka noqday danbiga si aan loogu kad-soomin looguna xadgudbin waa haddii aysan dacwad laheyn.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
Caasimada@live.com