Madaxweyne ERDOGAN oo xaalad aad u xun ku qeexay madaxweyne MACRON

Istanbul (Caasimada Online) – Recep Tayyip Erdogan, Madaxweynaha Turkiga ayaa si adag u weeraray dhigiisa dalka Faransiiska, Emmanuel Macron, kaasi oo ku tilmaamay mid la il daran xanuunka dila maskaxda.

Erdogan ayaa Macron ugu baaqay in uu arko dhakhtar si wax looga qabto jirada maskaxeed, kadib markii uu shalay Erdogan ka jawaab celiyay hadalo dhowaan ka soo yeeray Macron oo ku aadanaa kasii mid ahaanshaha Turkiga ee Isbaheysiga NATO.

Madaxweyne Erdogan ayaa khudbad uu ka jeedinayay Jimcihii Jaamacada Marmara ee magaalada Istanbul, wuxuuu si toos ah u abaaray madaxweynaha Faransiiska, Macron, wuxuuna yiri “Mudane Macron, fiiri hadda waxan ka hadlayaa Turkiga, waxaan sidoo kale hadalkan ka dhihi doona NATO, waa inaad ugu horeynta soo baarta maskaxdaada dhimatay!”.

“Wax ka galay miyaa jirra arrimaha ka saarida Turkiga ee NATO, ama ka sii mid noqoshadeeda?, Awoodna ma u leedahay in aad ka go’aan gaarto go’aamadaasi oo kale?” ayuu yiri Erdogan, isagoo su’aal toos ah u diraya Macron.

Wuxuuna intaas kusii daray Erdogan “Faransiisku wuxuu iska indho tirayaa wel-welka uu ka qabo Turkiga ee Suuriya, isagoo isku dayaya in uu raad ku yeesho wadankaasi”.

Madaxweyne Erdogan ayaa si adag ugu dhaliilay Emmanuel Marco inuu wado faan cidlo ah, xili uu gabay dalkiisu dhamaan waajibaadkii uu uga baahnaa Isbaaheysiga NATO.

“Adigu (Macron) ma gudatid waajibaadka lagaaga baahanyahay ee ka saaran Isbaheysiga, Mana bixisid lacagta kugu waajibtay ee NATO, ugu dambeyntiina waad faaneysa!” ayuu yiri Madaxweyne Erdogan.

Hadalkan Madaxweyne Erdogan ayaa waxa uu jawaab adag u noqonayaa hadalkii khamiistii uu Macron ku dhaleeceyay howlgaladii Millater ee Turkigu ka fuliyay bishii la soo dhaafay waqooyiga barri ee dalka Suuriya, iyo soo jeedintiisi ku aadaneyd in Turkiga laga saaro NATO.