Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo oo u amba-baxay dalka Jabuuti

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi u hoggaaminayo ayaa goor dhow u amba-baxay dalka Jabuuti, waxaana garoonka ku sii sagootiyey mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda.

Wafdiga uu horkacayo madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa ka mid ah guddoomiyaha golaha shacabka, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka, Mudane Xasan Cali Khayre iyo xubno ka tirsan goleyaasha dowladda.

Madaxaweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa Jabuuti uga qeyb-galaya shir ballaaran oo dib loogu sii amba-qaadayo wadaha-dallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Dhinaca kale waxaa saaka Hargeysa ka baxay wafdi culus oo uu horkacayo Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo qeyb ka ah wada-hadalladaasi.

Madaxweyne Bixii ayaa waxaa safarkaasi ku wehlinaya guddoomiyaha golaha guurtida, afar wasiir iyo Adna Ismaaciil Aadan oo u qaabilsan wada-hadalka.

Waa is araggii labaad madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi, waxaana kulankoodiii ugu horreeyay uu ka dhacay dalka Itoobiya.