Urur Yahuudi ah oo amarro bahdilaad ah kusoo rogay Congress-ka Mareykanka

Washington (Caasimada Online) – Koox Yahuudi ah oo awood badan ku leh dalka Mareykanka, ayaa amarroo bahdilaad ah kusoo rogtay xubnaha congress-ka Mareykanka.

Ururka Maraykanka Yahuudda Mareykanka ee u ololeeya Israel ee AIPAC ayaa amray Dowlada iyo Xildhibanadda in aysan si faah-faahisan uga hadli karin qorshaha Israel ay ku goosaneyso Daanta Galbeed, balse loo ogol yahay inay cambaareen qorshaha, haddii ay intaas ku ekeynayaan.

Ururka AIPAC oo saameyn buuxda ku lahaa siyaasadda Maraykanka tobanaankii sano ee lasoo dhaafay, ayaa bixiyay qodobo hagaya cambaareyn xadidan kadib kulan ay ku yeesheen aaladda Zoom, iyo sharci dejiyeyaasha Maraykanka oo ay telefoonka kula hadleen, sida la-taliye congress-ka uu u sheegay Times of Israel.

Ma cadda waxa ay la micno tahay in aan cambaareynta aad loogu dheraan, laakiin waxaa loo malaynayaa in lagu jaan goynayo sii wadidda kaalmada Maraykanku siiyo Israel. Deeq-bixiye ku lug leh ololaha congress-ka ayaa  yiri “Waxaan u sheegnay senator-ada xor ayaad u tihiin in aad cambaareysaan dhul goosiga, laakiin haka hadlin in la gooyo kaalmadda Mareykanka siiyo Israel.”

Hadalkan ayaa loo fahmay in cambaareynta goosiga Israel aan lagu xirin in congress-ka uu kaalmada ka gooyo Israel.

Digniinta ay soo saareen AIPAC ma saameyneyso gar-gaarka, sida uu muujiyay qof u shaqeeya congress-ka, kaas oo dimoqaraadiyiinta ku tilmamay in ay beegsanayaan ururka arrimaha Israel iyo Maraykanka, waxaana uu yiri “xubnaha congress-ka waxay doonayaan in ay xaqiijiyaan in xilligaan uu yahay waqtigii loogu talo galay in loo digo Israel balse aan loo hanjabin heshiiska isfahamka ah.”

Isfahamku waa heshiis dhexmaray Dowladda Israel ee uu hogaamiyo Netanyahu iyo Madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama 2016-kii, kaasi oo damaanad qaadaya in 38 billion oo dollar lagu kabo miisaaniyadda difaaca ee Israel sanad walba. Cambaareyn walba ma ahan in ay saameyso kaalmadda, ayuu yiri shaqaale ka tirsan congress-ka ee la hadlay Times of Israel.

Sanado badan oo ay saameyn ku lahaayeen siyaasadda wadanka awgiis, ayey AIPAC si adag uga soo horjeesteen cambaareyn walba oo ku saabsan siyaasadda Israel ama xitaa Dowladda qudheeda.

Ogolaanshaha uruka AIPAC ayaa loo arkaa in uu liddi ku yahay sida ay AIPAC doonayaan, waxaana loo malaynayaa in ay sababtay goosashada Daanta Galbeed oo ah arrin aad la isugu khilaafsan yahay, taasi oo kala qaybisay kuwo badan oo taageera Israel.

Sida uu yahay qorsha Dowladda wadaagga ah ee Israel, Israel waxay sheegan doontaa madaxbanaanida lana wareegi doontaa maamulka in ka badan 30 boqolkiiba dhulka Falastiin ee  ku yaala Daanta Galbeed, gaar ahaan meelaha ay hadda Yahuudu sida sharci daradda ah ku deganyihiin oo ay ka mid tahay dooxada Jordan. Talaabooyinka waxaa la qaadi doonaa kowda bisha July.