Farmaajo: Wixii uu ka faani jiray miyaa lagu faaniyaa?!

Waxa uu Farmaajo xafiiska yimid iyada oo Somaliland ay kaalmooyinka beesha caalamka u hesho qaab gaar ah oo maamullada kale ka duwan (Special arrangement). Arrintaas waxay ku timid wadahadallo hore oo madaxdii isaga ka horreysay ay soo wadeen. Dhaqsaba dowladda Federaalka ayaa joojisay macaamilkaas gaarka ah. Taageerayaasha Farmaajo waxay arrintaas u arkayeen guul weyn, oo waxay ku faanayeen in laga soo gudbay waqtigii jileeca, isbarbaryaaca, iyo tanaasulka.

Intaas ku ma ekayn e, silsiladdii wadahadalka ee soo taxnayd waxa keliya ee uu Farmaajo ku soo kordhiyay waxay ahayd in uu dhexda ka kala gooyay. Saddex sanno iyo washii oo uu xafiiska joogay, intii ugu badnayd waxa ay dowladdiisa iyo kuwa taageeraba ku tookhayeen in ay soo celiyeen sharafkii dalka, inay soo xireen kanaalladii dibadda, iyo inay gacan adag ku qabteen cid walba oo aan iyaga ahayn oo dowladnimada kula dhegta. Waxyaabaha agtooda caayda ka ahaa, oo inuu dalku ka gudbayna ay ku celcelin jireen; waxaa ugu weyn in lala gola-fadhiisto oo la qanciyo maamul ama mucaarad Soomaali ah oo ay dood kala dhexeyso madaxda dowladda.

Maanta, oo dhowr bilood ay muddadii xilhaynta Farmaajo ka hartay, dhammaan mushkiladihii dalka ee xallintooda isaga loo doortay weli miiskiisa ayay saaran yihiin. Meelaha ugu dhaw ee xalkooda laga filayana waa kulamo iyo shirar ay dalal shisheeye ku qabanayaan Jabuuti iyo gudaha dalka, oo ujeedkooduna yahay in la isu keeno Farmaajo iyo dadkii ay taladu kala dhexeysay ee markii uu talada iyo taagtaba lahaa uu la-tashigooda ka doorbiday ka-tashigooda iyo ku-taagsigooda.

Farmaajo oo muddoxilkeedkiisu dhammaad yahay in uu isafgarad mustaqbal ah la gaaro Soomaalida ay wax kala dhexeeyaan, waxa ay la mid tahay in qof ay naftu ka sii baxayso laga fisho inuu dhammeystiro howl badan oo qabyo ka ah. Taas beddelkeeda, natiijada ugu muhiimsan ee kulamadaan laga dhaxli doono waa in ay tusaale iyo toosin u noqdaan madaxda talada la wareegi doonta, si ay u sii ogaadaan in runta kama dambeysta ah ay tahay in mushkilad kasta oo qof Soomaali ah kaala dhexeysa aanay jiri doonin cid aan isaga ahayn oo kaala xaajoota.

~”Markay dani meeday tidhi
Maxaan talo meel ka dayay
……………………………………….
Intaan isku duubay been
Ka buuxsaday labada dacal
Maxay runi daadi tidhi” M. I. W. Hadrawi

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid