Sawirro: Abiy oo ka dagay Jabuuti, qeybna ka ah shirka Soomaaliya iyo Somaliland

Jabuuti (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa goor dhow gaaray jamhuuriyadda Jabuuti, halkaasi si weyn loogu soo dhoweeyey.

Abiy Axmed iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Ambouli uga hortagay Ra’iisul Wasaaraha dalka Jabuuti.

Ujeedka safarka Abiy Axmed ayaa ah ka qeyb-galka shirka ballaaran ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland ee maanta ka furmaya gudaha dalkaasi, maadaama uu ahaa maskaxda ka dambeysay kulankii Farmaajo iyo Biixi ku dhe-maray Addis Ababa.

Sidoo kale wuxuu ka qeyb-gali doonaa wejiga koowaad ee shirka oo diirada lagu saari doono arrimo la xariira iskaashiga dalalka geeska Afrika, siiba amniga iyo siyaasadda.

Itoobiya ayaa sidoo kale qeyb ka ah wadamada sida weyn u qorsheeyey qabsoomida shirkaasi iyo in dib loo bilaabo wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland.