Kulanka Farmaajo iyo Muuse BIIXI oo looga hor-yimid

Hargeysa (Caasimada Online) – Kulanka la filayo inuu dalka Jabuuti uu ku dhex-maro madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland, ayaa si weyn looga hor-yimid, kaasi oo gogol xaadh u noqonaya wada-hadalada labada dhinac ee mudada badan hakadka ku jiray.

Eng. Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid ayaa gebi ahaanba kulankaasi ka hor-yimid, isagoona ku sheegay mid aan xiligan loo baahneyn.

Guddoomiye Faysal ayaa aaminsan in xiligan aan wada-hadalo lala gali karin dowladda federaalka ee uu hogaaminayo madaxweyne Farmaajo, maadama ay tahli kari laadahay inay isku keento maamuladeeda aaminsan nidaamka federaalka ah.

Faysal ayaa kulankaasi la filayo inuu dhex-maro Farmaajo iyo Muuse Biixi ku tilmaamay mid aan munaasib aheyn, isla markaana uu xiligan kasoo horjeedo wada-hadal dhex-mara dowladda federaalka iyo Somaliland.

“Mawqifkaygu waxa weeyi horena waan uga soo horjeeday, horena waan u sheegay in aan kulankaasi aanu maanta meesha qaban, wakhtigeediina aanu ahayn” ayuu yiri Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Maalinta berri ah ayaa lagu wada in dalka Jabuuti uu kulan ku dhex-maro madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland, sida uu shaaciyay madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulankaasi ayaa noqonaya midkii labaad ee noociisa ee dhex-mara Farmaajo iyo Muuse Biixi, kaasi oo gogol xaadh u noqon doona wada-hadalada ay dib u dhigeen xiisadaha siyaasadeed ee dhex aloosan labada dhinac.