Somaliland oo shaacisay in Farmaajo uusan laheyn qowl, lalana-geli karin heshiis

Hargeysa (Caasimada Onine) – Ergeyga Somaliland u qaabilsan wada-hadallada ay la-galeyso Soomaaliya, Adna Aadan Ismaaciil ayaa ka warbixisay kulanka balllaaran ee maanta ka dhacaya Jabuuti, kaas oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo Somaliland.

Marwo Adna ayaa sheegtay inay marka hore soo dhoweyneyso in dib loo bilaabo wada-hadallada labada dhinac oo hakad ku jiray afartii sano ee la soo dhaafay.

Adna Ismaaciil ayaa shaacisay in Madaxweyne Farmaajo uusan laheyn qowl , islamarkaana uu yahay qof aan fulin karin heshiisyada la galo, sida ay hadalka u dhigtay.

“Waxaa heshiis lala galaa qof qowl-leh oo wixii lagu heshiiyey fulin kara.” ayey tiri Marwo Adan oo ah Ergeyga Somaliland u qaabilsan wada-hadallada Soomaaliya

Sidoo kale waxa ay ku eedeysay Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) inuu burburiyey heshiisyadii hore ee ay wada gaareen Soomaaliya iyo Somaliland, iyada oo su’aal ka keentay wada-hadallada haatan dib u bilaabanaya.

“Waxaa is-weydiin leh wada-hadalladan iminka la rabaa ma kuwii horaa la ansixinayaa oo 8-aad, 9-aad iyo 10-aad ayaa ku biiraya.” ayey markale tiri Adna Ismaaciil Aadan.

Ugu dambeyn waxa ay hoosta ka xariiqay in wada-hadallada oo guuleysta ay muhiim u yihiin labada shacab, si looga gudbo caqabado haatan jira ee u dhexeeya labada dhinac.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.