28.9 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo caawa u hoyday magaalada Cadaado & Amniga oo si aan horay loo arag loo adkeeyay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online)-Madaxweynaha  JFS Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminaayo ayaa goordhow gaaray magaalada Cadaado ee maamulka Galmudug.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa kasoo ambabaxay magaalada Galkacyo, halkaa oo ay ku joogen  socdaal nabadeed.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa safar dhinaca dhulka kaga yimid magaalada Gaalkacyo, waxaana lagu soo dhoweeyay afaafka hore ee Cadaado, halkaasi oo ay uga hortegeen dadweyne aad u fara badan oo waddooyinka taagnaa.

Intaa kadib Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa loo gelibiyay Madaxtooyada Cadaado, halkaasoo ay kula kulmayaan Madaxda iyo qeybaha bulshada ee Galmudug.

Socdaalkan Madaxweynaha oo dib u heshisiin loogu magacdaray ayaa waxaa lagu wadaa inuu Farmaajo tago magaalada Dhuusa-mareeb halkaasi oo lagu dhameystirayo heshiska maamullada Galmudug iyo Ahlu sunna.

Dhinaca kale, waxaa aad loo adkeeyay ammaanka guud ee Cadaado, waxaana la filayaa in Madaxweynaha uu ku hoydo caawa Cadaado.

Caasimada Online

Xafiiska Gaalkacyo

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News