Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan magaalada Addis Ababa + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in maanta uu u amba baxo magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Madaxweynaha safarkan waxaa ku wehlin doona xubno ka kala tirsan labada Gole oo Wasiiro iyo Xildhibaanaba leh, kuwaa oo qeyb ka noqon doona shirka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa magaalada Addis Ababa uga qeybgalayo shir aan caadi ahayn oo madaxda waddamada IGAD ay isugu imaanayaan.

Shirka IGAD ayaa waxaa looga doodi doonaa arrimo dhowr ah oo ka taagan Africa, gaar ahaan colaadaha kasoo cusboonaanaya South Sudan oo loo arko qatar xoog leh.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda kale ayaa shirka ka jeedin doona khudbado ay ku cabirayaan dareenkooda ku aadan colaada South Sudan.

Farmaajo inta uu joogo magaalada Addis ababa waxa uu halkaa kula kulmi doonaa Madaxda kale ee qeybta ka ah Somalia, si ay uga wada hadlaan xaalada dalkiisa.

Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa loo badinayaa inuu la kulmo Soomaalida ku nool magaalada Addis ababa si uu ugu booriyo inay kusoo laabtan dalkooda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com