Rasmi: Caasimada Online oo xaqiijisay 4-ta dekad ee Ethiopia maal-gashaneyso

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa dhawaan kala saxiixday heshiisyo dhawr ah kadib kulan saacado qaatay oo  Magaalada Muqdisho ku dhex maray  Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Qodobka ugu muhiimsanaa ee lagu heshiiyey ayaa ahaa inay dowladda Itoobiya maalgelin ku sameysato ilaa 4 Dekadood oo ku yaal dalka Soomaaliya.

Labada dowladood midna si rasmi ah uma sheegin magacyada afarta Dekad oo ay Itoobiya maalgelineyso si ay ganacsi ahaan ugu isticmaasho.

Haddaba Shabakadda Caasimadda Online oo dabagal weyn ku sameysay Dekadaha lagu heshiiyey inay Itoobiya maalgelin ku sameysato ayaa soo ogaatay kuwa rasmiga ah oo ay yihiin.

Sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen xubno aad ugu dhow madaxweyne Farmaajo isla markaasna ka war hayo heshiiska dhex maray labada dowladood ayaa tilmaamay inay Dekadaha kala yihiin:

  1. Dekadda Muqdisho
  2. Dekadda Boosaaso
  3. Dekadda Berbera
  4. Iyo Dekadda Kismaayo

Afartaan Dekad ayaa ah kuwa ugu muhiimsan Soomaaliya, waxaana heshiiska kamid ah inay dowladda Itoobiya maalgelin ku sameysato isla markaasna ay kusoo xirtaan Maraakiibta ganacsiga.

Dowladda Itoobiya ayaa mashaariicda ay Dekadahaan ku hormarineyso ka heli doonto dowlado waaweyn oo ay ugu horreeyaan Shiinaha, Mareykanka iyo Yurub.

Afarta Dekad ee Itoobiya maalgelinta ku sameysan doonto ayaa waxaa kasoo dhex muuqatay midda Berbera oo uu muran badan ka taagnaa  markii dowladda Itoobiya laga siiyey 19% faa’idada laga helayo kadib heshiis seddex geesood ah oo dhex maray Itoobiya, Maamulka Somaliland iyo Shirkadda DP Word ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, lamana garanayo nooca heshiis oo ay arrintaan ka gaareen dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Xalay ka hadlay heshiiska Dekadaha ee dhexmaray dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa sheegay inaysan jirin Dekad Itoobiya la siiyey balse uu jiro heshiis dhigayo inay Itoobiya maalgelin ku sameysato Dekadaha Soomaaliya si ay labada dal u kala faa’idaan maadaama aysan Itoobiya laheyn Bad Soomaaliyana aysan heysan lacag ay Dekadaheeda ku maalgashato.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inay muqadas tahay madax banaanidada Soomaaliya isla markaasna ay qaranimada Soomaaliya aas aas u tahay heshiiska Itoobiya iyo Soomaaliya.

Caasimada Onlne

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com