Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay Suldaanka cusub ee Cumaan + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo shalay gaaray wadanka Cumaan ayaa kulan gaar ah la qaatay Suldaanka cusub ee dalkaasi, Suldaan Haitham Bin Taymur.

Ugu horreyn Madaxweynaha ayaa Suldaanka cusub iyo shacabka wadanka Cumaan uga tacsiyadeeyey geeridii Suldaan Qaboos Bin Saciid oo sanado maamulayey dalkaasi.

Sidoo kale Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa Marxuumka Alle uga baryey inuu ka waraabiyo Janada Fardowso.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale soo hadal qaaday arrimo ku aadan xiriirka labada dala iyo sidii loo xoojin lahaa.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qeyb ka ah madax kala duwan oo ka qeyb galka tacsida Suldaan Qaboos u tegay wadankaasi.

Dalka Cumaan ayaa weli waxaa uu ku jiraa maalmo barooq-diiq ah oo looga dhawaaqay dalkaasi, kadib geeridii Suldaan Qaboos bin Saciid Al Saciid oo ku geeriyooday 79 sano.