Madaxweyne Farmaajo ‘oo laga filayo inuu soo saaro’ qoraal ku socda mucaaradka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu wada-hadallo ugu yeero musharaxiinta mucaaradka, si xal siyaasadeed loo gaaro, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay.

Ilo-wareedyo ku dhow Midowga Musharaxiinta ayaa Caasimada Online u sheegay inay war-gelin ka heleen Villa Somalia, taasi oo ku saabsan qoraal uu soo saari doono madaxweynaha oo uu ku dalbanayo inay kulmaan.

“Cadaadis saaran awgiis, madaxweyne Farmaajo wuxuu soo saarayaa qoraal uu ku dalbanayo in ay Madasha Musharaxiinta la kulmaan, oo ka wada hadlan sidii looga gudbi lahaa jawiga cakiran,” ayuu yiri ilo-wareed ka tirsan Madasha oo la hadlay Caasimada Online.

Xubnaha la hadlay Caasimada Online ayaa intaas ku daraya inay qoraalkan filayaan caawa. Caasimada Online oo sidoo kale la hadashay xubno ka tirsan Villa Somalia waa ay ka gaabsadeen inay xaqiijiyaan xilliga lasoo saari doono qoraalkaas.

“Madaxweynaha wuxuu mar walba diyaar u yahay in xaaladda dalka xal loo helo,” ayuu ku hadal gaabsaday qof codsaday inaan la magacaabin oo ka tirsan madaxtooyada.

Musharaxiinta mucaaradka ayaa dhankoodana rumeysan in cadaadis xooggan oo ka dhashay go’aanadii ay Khamiistii tagtay kasoo saareen Muqdisho iyo midka beesha caalamka ay hoggaamisay in madaxweynaha uu dalbado kulamo.

Si kastaba, ma cadda sida heshiis kasta oo la gaaro uu u dhaqan-geli karo, ayada oo la xusuusto in qodobo ay horey ugu heshiiyeen madaxweyne Farmaajo iyo Madasha Xisbiyada Qaran aanay meel-marin.