Madaxweyne Farmaajo oo lagu wareejiyay dhaqaale xoogan oo deeq ah

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr Qin Jian.

Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa Danjiraha Dowladda Shiinaha ka gudoontay deeq lacaga oo dhan Hal milyan iyo Bar oo dollarka Mareykanka ah.

Dowlada Shiinaha ayaa dhaqaalahaasi ugu tallo gashay si loogu gurmado dadka ay saameysay fatahaada iyo roobabka ka da’ay Beledweyne iyo Gedo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Danjiraha iyo Dowladiisuba ku bogaadiyey dadaalka ay u geysanayaan shacabka Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay fatahaadda webiga Shabeelle iyo Jubba.

Danjire Qin oo hadalo kooban jeediyay ayaa sheegay in dowladda Shiinuhu ay diyaar u tahay in ay door muhiim ah ka qaadato ugu gurmashada dadka masiibooyinka dabiiciga ah ay wax yeelleeyeen.

Dhawaan ayay aheyd markii Xukuumadda Soomaaliya ay  guddi heer qaran ah u saartay sidii loogu gurman lahaa dadka ay fatahaaddu barakicisay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com