Xog: Imaaraatka Carabta oo lacag badan ku bixinaya shirka Baydhaba

Baydhaba (Caasimada Online) – Dowladda imaaraatka Carabta ayaa qarash badan ku bixineysa shirka madaxda maamul goboleedyada dalka uga furmaaya Baydhabo berri.

Safaaradda imaaraatka ay ku leeyihiin Kenya, oo kaashaneysa Axmed Madoobe, ayaa la rumeysan yahay in ay lacag dhowr milyan oo doolar ay u qeybisay madaxda maamul goboleedyada si ay xiriirka ugu jaraan dowladda federaalka Soomaaliya, kaasi la filayo inuu noqdo go’anka kasoo baxaya shirkja.

Madaxweyneyaasha Jubba Land iyo koofur galbeed, ayaa qorshahan kasoo dhammeeyay imaaraatka kadib markii toddobaadyadii ugu dambeeyay ay booqasho ku tageen Dubai.

Madaxda ayaa loo ballan qaaday lacag dheeraad ah haddii shirkooda ay kasoo saaraan go’aamo ka dhan ah dowladda dhexe, wayna ogolaadeen, sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay.

Imaaraatka ayaa ku dedaalaya sidii buuq ay ugu furi lahayd dowladda Soomaaliya, maadaama xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dowladood uu xumaaday, waxeyna u muuqataa in madaxda maamul goboleedyada la safan yihiin Imaaraatka.