Dhammaan madaxda dowlad goboleedyada oo si aan caadi aheyn loogu soo dhaweeyey Baydhaba (Sawirro)

Baydhabo (Caasimadda Online) – Madaxweynayaasha  Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Madoobe, Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo madaxweynaha Puntland Cabdiweli gaas  ayaa gaaray Magaalada Baydhaba ee xarunta Ku meel gaarka ah ee Maamulka Koofur Galbeed.

Axmed Madoobe iyo Waare ayaa lagu soo dhaweeyay Marka hore magaalada Baydhaba,waxaana ka mid ahaa dadka soo dhaweeyay Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Shariif Xasan waxaa uu Baydhaba ku laabtay shalay si uu u marti geliyo shirka  Golaha iskaashiga oo berri ka dhacaya Magaalada Baydhaba.

Waxaa kale oo shirkan lagu casuumay kana qeybgelaya Madaxweynayaasha kale ee dowlad Goboleedyada sida Puntland iyo Galmudug kuwaas oo goor dhaweyd gaaray Magaalada baydhabo.

Amaanka magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana la filayaa in dhawaan magaalada ay soo gaaraan madaxweynayaasha maamulada Galmudug iyo Puntland.