Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow u ambabaxay magaalada New York ee dalka Mareykanka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa markii ugu horreysay ka qeyb galaya shirka 74-aad golaha guud ee Qaramada Midoobey.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa la filayaa in khudbad uu kaga haldayo dhinacyo badan uu ka jeediyo shirkaasi oo lagu suntay “Dib-u- xoojinta dadaallada wada-jirka ah ee lagu dabar-goynayo saboolnimada, baahinta waxbrasho tayo leh iyo ka hortagga dhibaatooyinka isbeddelka cimilada.”
Waxa kale oo ajandeyaasha hoggaamiyayaasha caalamku ay kaga arrinsan doonaan ugu muhiimsan xoojinta fursadaha shaqo iyo siyaasadeed ee dhallinyarada, xal u helista colaadaha iyo khilaafaadka caalamiga ah, kobcinta dhaqaalaha, ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo mideynta dadaallada lagu wajahyo.
Dhanka kale wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ku wehlinaya safarkan ee ka qayb-gelaya shirka guud ee Qaramada Midoobay ayaa kulamo doceedyo lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga la qaadan doona dhiggooda dalalka caalamka ee ka qaybgelaya shirweynahaasi.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com