Wararkii ugu dambeeyey ee xildhibaanada lala xiriiriyey jabhada ka dilaacday Awdal

Boorama (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi ayaa weli xabsiga ku haysa xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka Boorama, kuwaasi oo lala xiriirinayo jabhad ay dhowaan xogteeda baahisay Caasimada Online.

Xildhibaanada oo tiradoodu dhantahay saddex xildhibaan ayaa waxa maalintii Khamiistii ciidamada booliska Somaliland ee Boorama, ka soo qabteen xili ay ku sugnaayen mid kamid ah huteelada ugu waaweyn magaalada, iyagoona u taxaabay xabsiga dhexe ee Boorama.

Xildhibaanadan ayaa waxa loo xiray arrimo la xidhiidha Jabhad dhowaan ka dilaacday deegaanada Dilla ee bariga gobolka Awdal, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen qaar kamid ah ehelada Xildhibaanada la xiray.

Waxaana xusid mudan in xariga xildhibaanada aan loo marin sifo sharciga waafaqsan, isla markaana ay ciidamada boolisku iska soo xireen, iyagoona sidan wax waaran qabasho ah, midaasi oo ka dhigan gaf iyo ku dul-socoteen ka dhana sharciga iyo xasaanadii uu dastuurku siiyay xildhibaanadaasi.

Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiye madaxweyne Biixi ayaa u muuqata mid xukuumadihii hore kaga dhac og baalmarka sharciga, taasi oo dhowr jeer oo horena xabsiga u taxaabtay xildhibaano xasaanad leh.

Xarigan xildhibaanada ayaa u muuqda mid sii kicin kara dabaysha xiisada ka taagan gobolka Awdal, iyadoona muddooyin ka hor un ay ka dhacayeen xarunta gobolka Awdal ee Boorama, rabshado ka dhana amaanka iyo degenaanta gobolka.

Caasimada Online
Xafiiska Boorama