Xog: Jabhad kasoo horjeeda xukuumada Muuse Biixi oo ka dillaacday gobolka Awdal

Boorama (Caasimada Online) ―  Xogo kala duwan oo ay helayso Caasimada Online, ayaa sheegaya in Jabhad cusub oo ka soo horjeeda xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi, ay ka dilaacday deegaanka Dilla ee gobolka Awdal.

Jabhadan ayaa waxa naloo xaqiijiyey inay gabaad ka dhiganayso deegaanadaasi, kuwaasi oo wada dad urursi iyo dar-dar gelin dagaalo ka dhana xukuumada Biixi, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyen dad deegaanka ah.

Jabhadan oo weli si rasmiya loo ogeyn magaca iyo hal ku dhiga ay kula dagaalami doonaan xukuumada Somaliland, ayaa haddana waxa la dareemaya dar-darta ay ka wadaan deegaankaasi, kuwaasi oo laga cabsi qabo in ay gacan saar hoose la leeyihiin Jabhada Korneyl Caare ee ka dagaalanta gobolada Bariga Somaliland.

Sida ay Caasimada Online ku helayso Xogta Jabhadan ayaa waxa ay daba socotaa Jabhad kale oo hore uga jirtay gobolka Awdal, taasi oo uu hogaamin jirey Suldaan Wabar, midaasi oo iyadu dib u soo rogaal celisay sida ay noo xaqiijiyeen dad lagu kalsoonyahay.

Jabhadii Suldaan Wabar ayaa iyaduna waxa la sheegaya in hadda ku sugan-yihiin deegaanka u dhow xuduuda gobolka Awdal ee Harawo, halkaasi oo iyaguna ka wadaan rogaal celin xoogan oo ay dib ugu bilaabayaan dagaalkii ay kula jireen xukuumada Somaliland.

Dhinaca kale, Taliyaha qaybta gobolka Awdal, Gaashaanle-Sare Axmed Maxamed Guutaale oo kulan looga hadlayey Arrimaha Amaanka gobolka Awdal, waxa uu si hoose ugu sheegay Odayaashii dhaqanka iyo Gudida wanaag farista oo kamid ahaa xubnaha ka soo qeyb galay kulankaasi, in xaalada Amaanka gobolku ay hadda mareyso meel xasaasiya.

Taliyaha oo amray in qaar kamid ah suxufiyiinta in dibeda looga saaro hoolka shirka, isla markaana intii kale ku sugneed goobtana lagu amray inay damiyaan dhamaan qalabka isgaarsiinta iyo kuwa wax lagu duubaba, wuxuuna xaqiijiyey inay ka cabsi qabaan in Jabhado badani ka dilaacan gobolka Awdal oo muddooyinkii u dambeeyay la daala dhacayey rabshado ka dhana amniga.

Arimahani oo dhan ayaa ku soo beegmaya xili ay gobolka Awdal ka taagan-yihiin xiisad colaadeed oo u dhaxeysay labo beelooda oo ka soo kala jeeda Beelaha Samaroon iyo Ciise, kuwaasi oo dagaal shalay ku dhex maray gudaha gobolka uu sababay dhimashada hal qof oo kamid ah labadaasi beel.

Caasimada Online
Xafiiska Boorama