Xiisad dagaal oo ka taagan Boorama iyo dhaawac la geeyey isbitalka magaalada

Boorama (Caasimada Online) ― Xog ay Caasimada Online heshay ayaa sheegaysa in hal qof oo dhaawac culus ahaa oo shalay la keenay Isbitaalka Masaarida ee magaalada Boorama uu maanta geeriyooday.

Sida Caasimada Online ogaatay Marxuumkan maanta geeriyooday oo lagu magacaabo Xasan Muumin Muuse Suldaan, ayaa waxa uu ku dhaawacmay iska hor imaad culus oo shalay u dhaxeeyay beeshiisa iyo beel kale oo ku muran-saneed dhul.

Labadan beel ayaa ku dagaalamayey dhul daaqsimeed iyo beero ku yaala deegaanka Dhanaane oo u dhexeeya degmooyinka Xariirad iyo Geerisa ee gobolka Awdal, midaasi oo qiyaastii 80-KM dhinaca waqooyi kaga beegan magaalada Boorama.

Labadan beelood ee shalay isku fara-saaray gudaha gobolka Awdal ayaa waxay ka soo kala jeedaan Beelaha Samaroon iyo Ciise, kuwaasi oo muddo labo maalmood ahba ku dirirsanaa deegaankaasi.

Marka laga yimaado qofka dhaawaca ah ee maanta ku geeriyooday Isbitaalka, ilaa hadda si dhaba looma xaqiijin karo khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay iska hor imaadka, iyada oo la filo karo in saacadaha soo socda ay xiisada labada beel kor u kacdo, midaasi oo sababi karta khasaare baaxad leh.

Iska hor-imaadka beelahan oo ah mid dhowr goor soo noq-noqotay labadii sano ee u dambeeyay, ayaa waxay u muuqata mid ay xukuumada Somaliland iyo maamulka gobolka Awdal ka gaabiyeen doorkii ay ku lahaayeen dejinta xiisada labadaasi beel.

Waxaana xusid mudan in labada beel ee ku muransan deeganadaasi ay labadoodaba u haystaan sharciyo ay u sameysay dowladda hoose, midaasi oo soo if-bixinaysa musuq-maasuqa iyo wax is-daba marinta ka taagan dowladaha hoose ee degmooyinka gobolka Awdal.

Si kastaba, Mid kamid ah ehelkii Marxuumkaasi maanta ku geeriyooday Isbitaalka Masaarida ee Boorama, oo la hadlay Caasimada Online ayaa ku hanjabay inay qaadi doonan talaabo culus oo jawaab adag u noqota weerar uu ku sheegay inay jabhad hubeysani ku soo qaaden.

Caasimada Online
Xafiiska Boorama
Caasimada@live.com