Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Xalay waxaa Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug lagu soo geba-gabeeyay Shirka dib u heshiisiinta beelaah dega deegaannada Galmudug,shirkaas oo socday mudo ka badan 10 Cisho,waxaana soo xiray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Shirka ayaa waxaa laga soo saaray 7 Qodob oo xasaasi ah oo ku saabsan sidii loo dhisi lahaa Galmudug mideysan iyo sidii dadka ku nool deegaannada Galmudug uga tashan lahaayeen aayahooda, iyada oo la kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Qodobada war murtiyeedka ku qoran ayaa ka mid ah:
- in beelaha Galmudug ay si shuruud la’aan ah ay u dhistaan Dowlad Goboleed loo dhan yahay.
- in dowlada federalka agaasinto dhistana dowlad goboleed loo dhan yahay oo ay Galmudug yeelato.
- in khilaafaadka ka jira deegaanada Galmudug xalinteeda ay la wareegto dowlada cusub ee la dhisayo.
- in dib u eegis lagu sameeyo hannaankii lagu dhisay maamulka galmudug sanadkii 2015, wixii qaldamayna la saxo iyo qodobo kale.
Halkaan hoose ka akhriso war murtiyeedka oo dhameystiran
Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
Caasimada@live.com