Xog: Xulista xildhibaanada GALMUDUG oo ka socota hoteello ku yaal Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya si xooli ah uga socdo xulista Xildhibaanada cusub ee la doonayo in loo sameeyo Maamulka Galmudug.

Howshaan oo ay wadaan Xildhibaano si weyn ugu dhow madaxda Dowladda Federaaka Soomaaliya ayaa waxay ka socotaa Hoteelo ku yaalo Magaalada Muqdisho.

Inta badan Xildhibaanada ayaa la diyaariyey, waxayna durba bilaabeen inay kulamo la qaataan musharaxa ay Dowladda wadato ee Ahmed Abdi Kaariye (Qoor Qoor) .

Dadka doonayo inay Xildhibaano noqdaan ayaa waxay safaf dhaadheer ugu jiraan Xildhibaanada ay Dowladda Soomaaliya u wakiilatay Dhismaha Galmudug kuwaas oo kala jeedo deegaanada Galmudug.

Sida aan xogta ku helnay ilaa hadda waxaa lasoo xulay ilaa 89 xildhibaan oo liiskooda lagu wareejiyey Musharaxa Dowladda ay wadato ee Ahmed Abdi Kaariye (Qoor Qoor) .

Arrintaan ka socoto Muqdisho ayaa niyad jab ku riday musharixiinta kale ee u taagan xilka madaxweynimo ee maamulka Galmudug maadaama ay dowladda soo xulaneyso dad ay ku kalsoon tahay oo dooran doono Qoor Qoor.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ka go’an inay xilka madaxweynimo ee Galmudug u dhiibto shakhsiga ay iyada rabto sidii ay dhawaan ka sameysay doorashadii ka dhacday Magaalada Baydhabo ee Caasimadda kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com