26.9 C
Mogadishu
Monday, December 29, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo shir guddoominaaya shir ka furmaaya Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta lagu wadaain magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia uu shir uga furmo madaxda dowladda dhexe ee Somalia iyo kuwa maamul Gobaleedyada ka jira dalka.

Shirkaan oo ah mid gaara ayaa waxaa looga hadli doonaa amniga Qaranka, waxaana labada dhinac ku wehlin doona xubno farakutiris ah oo laga soo kala xulay Golayaasha.

Shirkaan oo ahmiyad gaara u leh dowlada iyo maamulada ayaa waxaa shir guddoomin doona Madaxweynaha Somaalia Maxamed C/llaahi Farmaajo waxaana.

Shirka ayaa waxaa dhanka Gobolka Banaadir u matali doona Guddoomiyaha gobalka Banaadir Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow.

Sidoo kale, shirkaan mudada uu soconaayo ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa waxyaabihii ka qabsoomay shirarkii hore ee dhexmaray dowladda Dhexe iyo maamulada dalka ka jira.

Dhinaca kale, Madaxda maamul goboleedyadda ayaa ku sugan Magaalada Muqdisho, waxaana wali imaan Muqdisho Madaxda Jubbaland iyo Koonfur Galbeed oo iyaguna la sugaayo maanta.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News