Nin ajnabi ahaa oo si fool-xun loogu dhextoogtay magaalada Boosaaso (Yaa dilay)

Garoowe (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, ayaa sheegaya in halkaa lagu dilay qof Ajnabi ahaa.

Qofka ajnabiga ee la dilay ayaa waxaa dilkiisa ka danbeeyay Askari ka tirsan ilaalada Hay’adda la magacbaxday SPU ee ka howlgasha magaalada Boosaaso.

Dilka ninkaan ajnabiga ahaa oo dhacay habbeenimadii xalay ayaa waxaa dilka kadib suuragashay in goobta uu ka baxsado Askariga falka toogashada ah geystay.

Dilka ajnabigan ayaa yimid kadib markii xili danbe habeen ah uu kasoo baxay meel mugdi ah, waxaana sidaa rasaas ooda uga qaaday Askariga, iyadoo uu sidaa ku dhintay marxuumka.

Saraakiisha Hay’adda SPU ee uu ilaalada ka ahaa askariga dilka geystay ayaa si hordhaca u sheegay in dilka uu ahaa mid ku dhacay si aan ku tallogal aheyn.

Sidoo kale, goobjooge ayaa dhankiisa ka sheegay in qofkaasi Ajnabiga ah lagu dilay shaki maadaama ay aheyd xili habeen ah isla markaana Askarigii falkaasi geystay uu goobta ka baxsaday.

Geesta kale, Askariga ayaa la sheegay in xiliga uu dilka geystay uu ahaa mid sarqaansan sidaana uu ku dilay marxuumka.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com