Arrin cusub: Hogaamiyeyaal ka tirsan Mucaaradka Kenya oo laga uruurinayo baasaboorada!

Nairobi (Caasimada Online)-Dowlada Kenya ayaa daboolka ka qaaday in dhawaan ay qaadi doonto talaabo ay baasaboorada kala noqoneyso Hogaamiyayaal ka tirsan Mucaaradka NASA ee aadka uga soo horjeeda dowlada Uhurro Kenyatta.

Ilo ku dhow dhow Wasaarada Arimaha Gudaha iyo amniga Qaranka iyo waaxda Diiwanka Muwaadiniinta ayaa xaqiijiyay in dowladu ay bilowday talaabada ay baasaboorada kala laabaneyso mucaaradka.

Hogaamiyayaasha ay dowlada kala laabaneyso baasaboorada ayaa tiro ahaan lagu sheegay 8 ilaa 10 Hogaamiye mucaaradeed oo NASA ah.

Qorshaha Wasaarada arrimaha Gudaha ayaa la sheegay inuu yahay in la qaado howlgal Hogaamiyayaasha looga soo uruurinaayo baasaboorada kaa oo ay iska kaashan doonaan Wasaarada iyo maamulada Garoomada.

Dowlada Kenya ayaa hogaamiyayaasha la beegsanaayo ku eedeysay inay ku dheelayaan magaca Kenya, sidaa aawgeed aysan munaasib u arag inay sii isticmaalaan baasaboorka.

Go’aanka soo dadajiyay baasaboor ka qaadista Siyaasiyiinta qeybta ka ah NASA ayaa ah mid looga jawaabayo talaabadii ay mucaaradka ku dhaariyeen Hogaamiyaha NASA Odinga.

Sidoo kale, dowlada ayaa arintaan uga dan leh in ay ku Xadido dhaqdhaqaaqa iyo safarada dhanka dibada oo ay Hogaamiyeyaasha Mucaaradka ee sida weyn uga soo Horjeeda in ay ku Xakameyso.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa wali xiran Murashixii hore ee Barasaabka ismaamulka Nairobi Mr Miguna Miguna.

Dowlada ayaa sidoo kale Habeenimadii Jimcihii La soo Dhaafay Xirtay Maayerkii Hore ee Magaalada Caasimada ah ee Nairobi ayaa Shalay Lagu sii daayay Si Damaanad ah.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

Caasimada@live.com