Xasaasi: Dhul uu bixiyay wasiirka Amniga Isloow oo kasoo horjeeda Dekada Muqdisho oo dhismo ka socdo + Sawiro

Muqdisho (Caasimada Online ): Inaad maqasho wasiirka Amniga ayaa sida Dowlada hoose oo kale dhul u bixinaaya yeysan la yaab kugu noqon markii aad joogto Somalia oo dhaqan siyaasadeedka iyo hanaanka maamulku uu yahay mid jahwareersan.

Fadeexad cusub ayaa soo if baxeysa iyadoo gobalka Banaadir uu dhowaan yeeshay maamul cusub, dhul ku yaalla kasoo horjeeda Dakadda Muqdisho ayaa dhismo ka bilaawday iyadoo jiingad lagu wareejiyay dhowaan.

Dhulkaan waxaa dhisanaya dad ay madaxweyne Farmaajo qaraabo dhow yihiin, sida aan xogta ku helnay waxaa hor istaagay gudoomiyihii hore ee gobalka Banaadir Taabit Cabdi oo diiday in dhulkaas danta guud ah shaqsiyaad la siiyo oo ay dhistaan.

Sida ay xogta ku heshay Caasimada Online dadka raadinayay dhulkaan ayaa dhinacyo kale u weecday markii ay waji gabax kala kulmeen maamulkii hore ee gobalka Banaadir, wararku waxaa ay sheegayaan in wasiir Amniga Maxamed Abuukar Isloow uu u qoray warqad uu ku amraayo iney shaqsiyaadkaas dhistaan dhulkaas ku yaalla kasoo horjeedda Dekada weyn ee Muqdisho.

Isloow ayaa taliyaasha ciidamada ku amray iney sugaan amniga goobtaas oo aan la hor istaagi karin dhismahaas, wararku waxaa ay intaa ku darayaan in maamulkii hore ee gobalka Banaadir iyo wasiir Amniga ay arintaas isku khilaafeen laakiin uu wasiirku ku adkeystay go’aankiisa.

Baaris aan sameynay ayaan ku ogaanay in gudoomiyaha cusub ee gobalka Banaadir Eng Yariisow uu raadinaayo qaabkii loo joojin lahaa dhismahaas sharci darada ah ,laakiin waxaa adag inuu ka hor yimaado amar uu bixiyay wasiir Amniga Maxamed Abuukar Isloow oo ka mid ahaa ragii soo jeediyay in Eng Yariisow loo magacaabo gudoomiyaha gobalka Banaadir.

Arintaan ayaa imaaneysa iyadoo madaxweyne Farmaajo uu dhowaan sheegay inuu ka walaacsan yahay boob uu sheegay inuu ku socdo dhulka danta guud, lamma oga inuu hayo xogta dhulkaan ay bixisay wasaaradda Amniga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com