Faarax Macalin: “Madaxda maamul Goboleedyada Somalia waa iimaan-laaweyaal jaajuus u ah Imaaraadka & Itoobiya..”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka Dalka Kenya Faarax Macallin ayaa aad u dhaliilay habdhaqanka madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada Soomaaliya.

Faarax ayaa ku eedeeyay madaxweynayaasha maamul Goboleedyada Soomaalida inay jawaasiis u yihiin waddamada caddowga ku ah Soomaaliya oo ay la shaqeeyaan dowladaha Imaaraadka iyo Itoobiya, waxaana uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in tallaabo laga qaado.

Faarax ayaa dhinaca kale sheegay in Wasiirradii hore ee dowladda Soomaaliya marka ay kulmayaan shirkooda sameecadda loo furi jiray oo laga dhegeysan jiray Adis ababa iyada oo taas ay ka shaqeynayaan wasiirro taageersan Itoobiya oo ka mid ahaa dowladda Somaliya.

Waxaa uu sheegay in qaar ka mid ah Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada ay musuq maasuq miiranyihiin,isaga oo sheegay in mid ka mid ah uu lacag tobaneeyo Milyan oo doollarka Mareykanka ah dhigtay Akoonno uu ka furtay Kenya ilmahiisana ku saxiixday sida uu sheegay.

Faarax ayaa dhinaca kale sheegay in Wasiirradii hore ee dowladda Soomaaliya marka ay kulmayaan shirkooda sameecadda loo furi jiray oo laga dhegeysan jiray Adis ababa iyada oo taas ay ka shaqeynayaan wasiirro taageersan Itoobiya oo ka mid ahaa dowladda Somaliya.

Faarax macalin Maxamed ayaa aad uga hadla Arimaha Soomaaliya, waxa uuna ka mid yahay shaqsiyaadka dhaliila hab dhaqanka madaxda maamul gobaleedyada iyo faragelinta Dowladaha Shisheeya ee Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com