Wasiir Beyle oo  shaaciyey sababta ka dambeyso canshuurta lagu soo rogay Iibka Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo manta Shira Jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay Magaalada muqdisho ayaa ka hadlay qorshaha Canshuur qaadista Sanadkii tegay iyo kan hadda iyo qaabka Cusub ee Wasaaraddu soo kordhisay.

Wasiirka ayaa sheegay in Hay’adihii horay lacagta ugu aruurin jiray Dowladda balse aan ka tirsaneyn in Wasaaraddu ay ku guuleysatay in ay la soo wareegto tasina ay dadaal badan ku bixisay.

Muqdisho waxaa aad looga hadal hayaa canshuur lagu kordhiyay shaaha,Cabitaanka kale iyo Cuntada oo qofka waxa uu cunabaya saaranyihiin boqolley canshuur ah oo ay wasaaradda Maaliyadda qaadaneyso.

Tusaale Koobka shaaha ah ama Cabitaanka ah waxaa la socta lacagtiisa 5% oo u dhiganta $20 Sinti oo doollar,taas oo aad loo hadalhayo.

Wasiirka ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in Dowladdu dadaal ugu jirto sidii looga cafin lahaa deymaha Caalamka ee gaaraya $5.3 Bilyan oo doollarka Mareykanka ah.

Wasiir Beyle ayaa yiri , “Waxaa naga go’an in aan sii wadno geedi socodka lixiriira cafinta deymaha lagu leeyahay soomaaliya, si taa dowladdu ugu guuleysatana waxa ay ku xirantahay in shacabka ay bixiyaan canshuurta”.

Waxa uu sheegay in dhammaan ay la shireen Milkiilayaasha  Hay’adaha ganacsiga gaar ahaan maqaayadaha iyo Hoteellada isla markaana ay isla garteen in siwadajir ah ay ula socdaan lacagta la qaadayo halka ay ku baxeyso si Soomaaliya ay isugu filnaato.

Gaba gabadii waxa uu Wasiirka sheegay in dhawaan uu socdo qorsho lagu soo daabacayo lacagta Shilinka Soomaaliga ah isla markaana la joojin doono isticmaalka lacagta dollarka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com