11 Safaarad oo u baahan safiirro deg-deg ah iyo dowladda Soomaaliya oo…

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida la ogaaday illaa 11 safaarad oo horay safiirro ugu joogeen jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta safiir la’aan ah, oo halkaasi ay ka jirto baahi qaran, safiirradaasi sideed(8) ka mid ah waxaa u yeertay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya halka saddex(3) kale ay ku timid duruufo.

Sideedda(8-dda)  safiir ee ay dowladda u yeertay waa safiirrada dalalka: Shiinaha, Kuwait, Qatar iyo Imaaraadka oo Asia ah iyo dhanka Afrika oo loo wacay safiirrada Zambiya, Suudaanta waqooyi, Uganda iyo Djibouti halka Saddexda(3-da) duruufo ku yimid u bannaan ay kala yihiin safiirkii Kenya oo noqday wasiirka qorsheynta federaalka, safiirkii Washington oo noqday wasiirka arrimaha dibadda  federaalka ah iyo safiirkii UK oo is-casilay.

Safiirrda la soo celiyay, waxaa ku jiray labo safiir oo xilkaasi hayey illaa dowladdii Maxamed Siyaad, dhammaantood waxaana loo cuskaday xeerka siyaasadda arrimaha dibadda oo dhigaya in safiirka 8 sano kadib la soo celinayo.

Inta aaney bannaanaan 11-ka safaarad, guud ahaan safiirrada dibadda ugu maqnaa jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya tiro ahaan waxaa ay ahaayeen 30 safiir, hadda 19 safiir ayaa shaqeysa, oo 11kii kale ma shaqeeyaan.

Diblomaasiyadda Soomaaliya,  waxaa safiir loo magacaabaa dalalka ay joogaan jaaliyado adeeg u baahan, dalal dano xoogan nagala dhaxeeyaan, dalal isbaheysi aan ku wada jirno ama qaar dano dhaqaale nooga xiranyihiin.

Taariikh ahaan, waxaa jiray dalal heerka diblomaasiyadda aaney abid gaarin heer safiir, oo sii haye uun joogeen sida Iran, Suuriya xilliya qaar, Uganda(marka laga reebo xilligii Idi Amin)  iyo Tanzania, oo heshiiska iyo heerka diblomaasiyadeed ee labada dal ayey ku xirantahay.

11-ka dal ee xilligan safiirrada u baahan, waxaa ka jira baahi qaran oo deg-deg ah, waana dalal muhiim u ah Soomaaliya, Tusaale ahaan, Kenya waxaa ay safiir la’aan tahay muddo sanad ah, dalalal Mareykanka, Ingiriiska, Imaaraadka, Djibouti, Uganda, Suudaan…dhammaan waa dalal dano siyaasadeed, mid dhaqaale iyo jaaliyad nooga xiran yihiin, waxaa ayna sugayaan safiirro.

Waxaa xusid mudan, madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa June sanadkii hore waxaa uu magacaabay 3 safiir, kuwaas oo kala ahaa Jaamac Cabdullahi Maxamed( Jaamac Caydiid) oo loo magacaabay safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga, Cabdiraxmaan Yuusuf Cali Caynte oo loo magaacabay safiirka Soomaaliya ee UK iyo Abuukar Daahir Cusmaan (Baalle) oo isagana loo magacaabay wakiilka Qaramada Midoobay (UN), safiirka dhexe waa is-casilay, waxuuna noqday sarkaal ka tirsan UNka.

Sida ku qoran sharciga shaqaalaha arrimaha dibadda qodobka 11aad ee Magacaabis safiir siyaasadeed(Political appointee), madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaa uu magacaabi karaa 3 safiir oo u dhiganta 10%.  Taas oo u qoran“Madaxweynaha Jamhuuriyadda, haddii ay jirto baahi qaran, kadib marka uu dhageysto wasiirka arrimaha dibadda waxaa uu magacaabi karaa danjire (ugu badnaan 10%) kaas oo ay laga maarmaan tahay in la buuxiyo shuruuradaha ka mid noqoshada shaqaalaha wasaaradda arrimaha debadda iyo diblomaasiyiinta debadda loo dirayo ee ku kala xusan qodobka 3aad iyo 4aad ee sharciga”.

Xigasho: Radio Goobjoog

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com