Fadeexado isbiirsaday oo lagu helay shirkado ka shaqeysa Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaaya cabashooyinka laga qabo shirkada Sahal oo qaabilsan Gaadiidka dadka geeya Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Shirkadan ayaa la soo warinayaa inay dhibaatooyin badan ku heyso dadka musaafiriinta ah, iyadoo Xukuumada Somalia ashtakooyin badan kadib ay sheegtay in dib u eegis lagu sameynaayo Heshiiskii ay la gashay shirkada.

Ashtakooyinka ugu badan ayaa la xaqiijiyay inay yihiin in ciidamada fadhiya afafka hore ee Garoonka ay dhaqaale ku siiyaan qabashada iyo jir dilka dadka musaafuriinta ee aan iska bixinkarin lacagaha kuwaa oo cagahooda maala.

Mid kamid ah dadka safarada galay ee dacwada gudbiyay ayaa sheegay in isagoo aan heysan dhaqaale uu ku raaco gaadiidka loogu goodiyay in laga raabayo diyaarada haddii aanu bixin lacagta Baska ee lagu geynaayo gudaha Garoonka.

Dadka ugu badan ee musaafuriinta ayaa sidoo kale ay ka tagtaa diyaarada iyadoo sababta ugu weyn lagu sheegay inaanu jirin farqi u dhexeeya raacista basaska iyo gaadiidka raaxada ee sida gaarka ah ay u wataan musaafuriinta.

Dhibaatooyinka ay shacabka ku qabaan Shirkada ayaa waxaa kamid ah in askarta dowlada ee sida hoose dhaqaalaha ugu qaata shirkada kana howlgala afafka Garoonka ay jir dil iyo hanjabaado u geystaan dadka aanu awoodin dhaqaalaha lagu raaco basaska ee Isgooyska KM4 ilaa Garoonka soo maala cagtooda.

Dhibaatooyinka ka dhashay wada shaqeynta hoose ee ka dhexeysa Shirkada Sahal iyo Ciidamada qaabka laaluushka loo siiyo lacagaha lagu dabo shacabka musaafuriinta ayaa waxaa kamid ah in March 28, 2017 Askari ka tirsan kuwa Garoonka uu toogasho ku dilay Haweeney musaafur aheyd kadib markii ay iska bixin weyday lacagta baska lagu raaco.

Askariga oo ay u muuqato lacagta laaluushka ayaa dhowr xabadood ku dhuftay Haweeneyda kadib markii ay diiday inay dib ugu laabato isgooyska KM4 oo ay kasoo lugeysay, waxaana lagu amray inay iska soo bixiso lacagta baska oo aysan xiligaa heyn.

Sidoo kale, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi (Oomaar) oo ka duulaaya cabashooyinka cusub ee laga qabo shirkada Sahal ayaa sheegay inay ka qaadan doonaan go’aan.

Oomaar waxa uu sheegay inay dib ugu laaban doonaan Heshiiska ay Xukuumadu la gashay shirkada, waxa uuna dhankiisa ka qiray inay jiraan cabashooyinfarabadan.

Haddii ay Xukuumadu indhaha ka qabsato ficilada ay ku kacdo shirkada Sahal ayaa waxaa suuragal ah inay ka dhashaan fal celin, maadaama shirkadu tahay mid ay ku midooben Ganacsato ku tiirsanaa dowladii hore.

Si kastaba ha ahaatee, shaqooyinka shirkada ayaa waxaa dhibaatooyin intaa kasii badan ku qaba dadka xamaalatada ah ee noloshooda kasoo saarta qaadista boorsooyinka iyo alaabada kale ee musaafuriinta.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com