Xog: Yariisow oo diyaarinaya gudoomiyayaasha cusub iyo 6 gudoomiye oo hor bixi doona

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya xarunta dowlada Hoose, ayaa sheegaya in halkaa uu ka socdo qorsho xilalka looga xayuubinaayo Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Qorshahaani oo socda maalintii Seddexaad ayaa waxaa si wada jira u wada maamulka cusub ee Gobolka, waxaana wehlinaaya Siyaasiyiin dooneysa in Guddoomiyayaasha iminka jooga loogu bedelo kuwo kale oo cusub.

Wasiiro ka tirsan Xukuumada ayaa sidoo kale gacan ku yeelan doona qorshaha xulista, wallow ay dhicikarto inay caqabad kala kulmaan sida ay shaqsiyaadka ay wataan uga soo dhex muujin lahaayen Degmooyinka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow), ayaa daaqada ka tuuraya ilaa 6 Guddoomiye Degmo oo si dhow ula shaqeynaayay Guddoomiyihii hore ee xilka laga qaaday, kuwaa oo si gaara uga qeybqaatay fekerka ah in mar kale la doorto Taabit.

Guddoomiyayaasha ugu hadal heynta badan ee la filaayo inay qaadi doonto Seefta Guddoomiyaha Gobolka Eng. Yaroosow ayaa waxaa kamid ah:

1-Guddoomiyaha Degmada Kaaraan: C/fataax Nuur cali yaanyo

2-Guddoomiyaha Degmada Howlwadaag: C/kariin Cali Kaar

3-Guddoomiyaha Degmada Wadajir: Cumar C/llaahi Xasan

4-Guddoomiyaha Degmada Hodan: Maxamed Axmed Cantoobo

5-Guddoomiyaha Degmada Waabari Rowdo C/llaahi

6-Guddoomiyaha Degmada Warta Nabada Zeinab Maxamuud Warasame

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Gobolka ayaa horay u sheegay inay ka fiirsan doonaan shaqsiyaadka ay ku bedeli doonaan Guddoomiyayaasha Degmooyinka ee iminka haya xilka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com