Magaalooyinka Muqdisho iyo Abu Dhabi oo la mataaneynayo

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir C/Raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa safaaradda Imaaraadka eek u taalla Muqdisho ku booqday danjiraha Imaaraadka ee Soomaaliya  Maxamed Axmed  Cismaan Al Xamadi .

Al-Xamadi iyo Yariisow ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal mideynta naqshadaha Muqdisho iyo Abu Dhabi iyo iskaashiga labada dal.

C/Raxmaan Yariisow ayaa dowladda Imaaraadka uga mahad celiyay mashaarciida ay ka fuliso Soomaaliya,waxaana sidoo kale safiirku uu ka mahadceliyay booqashada duqa Muqdisho ee safaaradda Imaaraadka eek u taalla Muqdisho.

Sida ay qortay wakaaladda wararka Imaaraadka ee WAM,labada dhinac ayaa isla soo qaaday sidii dowladda Imaaraadka uga qeyb qaadan lahayd dhinacyada horumarinta caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo mashaarciida kale ee dalka.

Danjire Al-Xmaadi ayaa kulanka ku ballan qaaday in dowladda Imaaraadka diyaar u tahay wada shaqeynta Muqdisho iyo Abu dhabai sidoo kalena ay ka wada shaqeynayaan nooc kasta oo horumarinta la xiriirta.