Duqeymaha Israel ee gobolka Sinai oo kor usii dhaafaya Boqol duqeyn (Warbixin)

By Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warbixino muujinaaya in dowlada Israel ay sii kordhisay duqeymaha ay kawado gobolka Sinai Peninsula, iyadoo lasii maraayo xukuumada Qaahira.

Duqeymaha ayaa la sheegay inay kor usii dhaafeen 100 duqeyn oo lala beegsanaayay bartilmaameedyo dhowr ah oo ay ku dhuumaaleysanayeen xagjiriinta Daacish.

Bartilmaameedyada duqeymaha ayaa ahaa gacanka peninsula laga soo bilaabo sanadii 2014.

Wargayska New York Times oo xiganaya saraakiisha Britain iyo Maraykanka ee ku lugta leh siyaasadda Bariga Dhexe, ayaa sheegay in duqeymaha ay kor usii dhaafayaan 100 kuwaa oo waxbadan ay ka ogeyd xukuumada Qaahira.

Saraakiishu waxa ay wargeyska u sheegen in ciidamadu ay ahaayen kuwo adeegsanaayay diyaaradaha dagaalka oo aan calaamad lahay, iyadoo howlgalka ay si dhifa uga qeybqaadanayeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn.

Xiriir Siyaasadeedka Israel kala dhexeeya xukuumada Qaahira ee masar, ayaa gaarsiisan heerkii ugu sareeyay wixii ka danbeeyay curashada kooxaha argagixisada, waxaana xusid mudan in xiriir Sirdoon uu ka dhexeeyo Qaahira iyo Tel Aviv.

Sidoo kale, nuqulo qoraala oo uu qoray wargayska NY Times ayaa muujinaaya in weerarada lagu beegsaday bartilmaameedyada kooxda xagjirka ah ee Daacish ay lahaayen mirro dhalin mustaqbaleed.

Geesta kale, madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi,ayaa naawilaaya sida awoodaha Daacish uu ugu  burburin lahaa Israel, waxaana xusid mudan in howlgalka ilaa iyo hadda socda uu yahay mid ku dhaqan galaaya amarka iyo ogolaanshaha el-Sisi.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com