Qarax caawa ka dhex dhacay Hooy ku yaala Muqdisho & Khasaaro dhimasho oo ka dhashay

Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax xoogan ayaa caaw ka dhacay Hooy ku yaalla xaafada Oodweyne ee degmada Deyniile Gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa mid aad looga maqlay inta badan Degmooyinka Gobolka, ayaa waxaa la sheegay in lagu dhex diyaarinaayay Hooyga uu ka dhex Qarxay.

Qaraxa ayaa khasaaro kala duwan soo gaarsiiyay qaar kamid ah dadkii degnaa Hooyga, sida laga soo xigtay Saraakiisha ciidamada, waxaana jira dhimasho iyo dhaawac.

Mid kamid ah Saraakiisha amaanka ee goobta gaaray ayaa inoo xaqiijiyay in dhimashada ay iminka mareyso ilaa laba ruux oo kamid ahaa dadka degnaa Hooyga.

Sidoo kale, qoysaskii degnaa Hooyga kuwooda ka badbaaday Qaraxa ayaa iminka loo qaaday xarumaha baaritsta si waxbadan looga weydiiyo Qaraxa.

Dhinaca kale, Saraakiisha Ciidamada amaanka ayaa si buuxa caawa ula wareegay Hooyga uu Qaraxa ka dhacay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com