Sawirro: C/weli Gaas oo kasoo degay magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaaran oo uu hogaaminayo ayaa  safar ugu amba baxay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Garowe ee Janaraal Maxamed Abshi kusii sagootiyey, Madaxwayne ku-xigeenka Puntland Eng Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada  Puntland Mudane. Axmed Cali Xaashi, mas;uuliyiin ka tirsan goleyaasha Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, iyo madax kale.

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay ujeedka safarkiisa ayaa sheegay in magaalada Muqdisho isaga iyo weftiga uu hogaaminayo ay kaga qayb geli doonaan shirka amniga Qaranka ,shirkaas oo ka furmi doona Magaalada Muqdisho ayna kasoo qayb geli doonan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda dawladdaha xubnaha ka ah Dowlada Feredaalka Soomaaliay.

“Waxaan Galabta udhoofayaa Magaalada Muqdisho oo aan kaga qayb-geli doono shirkii Amniga Qaranka oo ay isugu imanayaan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda dowladaha xubnaha ka ah DF Soomaaliaya , shirkaas oo qaadan doonaa muddo laba maalmood ah , waxaana looga hadli doonaa hawlo la xiriira amniga Qaranka insha’ alaah intaa kadib waxaan kusoo laaban doonaa Caasimadda Puntland ee Garowe ayuu hadalkiisa ku daray Dr. Cabdiweli Maxamad Cali Gaas. ”

” Waxaan rajeynayaa in aan amnigeena iyo nabad-gelyadeena sii kobcino guul iyo kheyr ayaan rajaynayaa inshaa alaah “ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu danbeyn Madaxweynaha Puntland ayaa ka qayb gelid doono shirka amniga Qarnka Soomaalia ,shirkaas oo furmi doonaa maalinimada berri ah lana soo geba-gebayn doono labada maamlood ee fooda inagu soo haysa.

-DHAMMAAD-