Madaxweyne Farmaajo waa inuu iska ilaaliyaa halkan arrin si uu u qabto waxa looga fadhiyo!

8 February 2017 ayaa Maxamed Cabdullahi Farmaajo loo doortay inuu noqdo madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya waxaana laga rajeenayaa inuu dalka wax badan kusoo kordhiyo sidii laga arkay 6-dii bilood oo uu Ra’isulwasare dalka ka ahaa.

Haddaba waxaan warbixintaan ku eegi doonaa Hal arrin oo weyn taas saameyn ku yeelatay madaxdii dalka soo martay sanadihii ugu dambeeyey.

Madaxda Soomaalida gaar ahaan madaxweynaha dalka xukumayo ma jirto waqti rasmi ah oo u xadeysan shaqadiisa ,  intooda badan 24 saac  ayey shaqeeyaan.

Dowladdii ugu dambeysay ee Xasan Shiikh Maxamuud hadaan tusaale usoo qaadano,  bilawgii shaqadeeda madaxtooyada Villa Soomaaliya waxay laheyd jadwal shaqo oo fiican wuxuuna madaxweyaha qaabili jiray dhawr ballan oo jadwaleysan .

Inkastoo ay sidaas ku bilawday haddana ma dhicin in la joogteeyo jadwalkaan, waxaana bilaabatay inay Villa Soomaaliya gaar ahaan madaxweynaha shaqeeyo  24 saac oo xataa mararka qaar uu waayo xilli uu ku nasto kuna jiifto si uu madaxweynaha u noqdo mid maskaxdiisa fiican tahay oo aan daalneyn.

Haddaba is waydii madaxweyne aan jiifan, nasan, helin firaaqo fiican goormee ayuu maskaxda ka fakaraa oo uu dajiyaa nashqadii uu wadanka ku maamuli lahaa.

Ani ahaan waxaan soo jeedin lahaa in madaxweynaha uu lahaado waqti cayiman oo uu dadka la kulmo isla markaasna uu xafiiska imaado subaxa hore kana baxo shaqada salaada casir kadib, si uu u sameeyo wadatashi una helo qaababka ugu fiican oo uu dalka wax uga qaban karo.

Madaxdii hore waqtigooda way qaateen, wixii ay qaban kareyn way qabteen, qofka ay hadda warbixintaan taabaneyso waa Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo maanta la wareegay Villa Soomaaliya waxaana madaxweynaha ka codsan lahaa inuu shaqadiisa u sameeyo waqti gaar ah si uu uu qabto shaqada iyo waxqabadka ay uga fadhiyaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha wuu ka dhan yahay in loo tilmaamo shaqadiisa, balse qodobkaan ah inay madaxtooyada yeelato waqti shaqo iyo mid uu madaxweynaha ku nasto waa furaha ugu weyn ee guusha madaxweynaha dalka.

Mararka qaar waxaa madaxtooyada ka dhacday in shaqsi ama qolo uusan madaxweynaha la ballansaneyn ay iska galaan xafiiska madaxweynaha taasoo dhaawaceyso shaqada Villa Soomaaliya.

ugu dambeyntii shaqada ugu horreyso ee madaxweynaha looga fadhiyo waa inuu soo magacaabo wasiirka koowaad ee Xukuumadiisa cusub wuxuuna maalmihii ugu dambeeyey ku jiray wadatashiyo iyo dadaal dheeri ah.

W/D: Cabaas Cali Xasan (xaliye)