Kaalin intee la’eg ayuu Sheekh Shariif ku leeyahay xulista R/Wasaaraha cusub?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Somalia Maxamed Cabdulaahi Maxamed (Farmaajo), ayaa ku howlan xulista Ra’isul wasaaraha Cusub ee Somalia.

Madaxweynaha ayaa Ra’isul wasaaraha cusub kasoo dhex xulan doona Musharaxiintii uu ka guuleystay iyo Siyaasiyiinta uu aqoonta u leeyahay waxqabadkooda.

Xulista Ra’isul wasaaraha ayaa waxa uu Madaxweynuhu kala tashanayaa Siyaasiyiinta ku dhow dhow oo uu kamid yahay Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Siyaasad ahaan ay aad isugu dhowyihiin.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa Madaxweyne Farmaajo usoo bandhigay ilaa Seddex ruux oo midkood la doonaayo in laga dhigo Ra’isul wasaaraha cusub kana soo jeeda Beesha Abgaal, sida aan xogta ku heleyno.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa Madaxweynaha siyaabo kala duwan uga dalbaday in Ra’isul wasaaraha lasiiyo Beesha Abgaal maadaama ay si dhow uga wada shaqeynaayen Doorashada.

Sidoo kale, waxaa jira warar sheegaya in Madaxweyne Farmaajo iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay heshiis wadagaaren inta lagu guda jiray Doorashada, iyadoo Heshiiskaasi la sheegay inuu dhigaayo in Haddii Farmaajo uu guuleysto Ra’isul wasaaraha u magacaabi doono shaqsi kasoo jeeda Beesha Abgaal oo uu wato Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Maxamed (Farmaajo), ayaa waxaa miiska u saaran dhowr Shaqsi oo la doonaayo in midkood uu noqdo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Cusub ee Somalia.

Si dhab ah looma oga cida Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Maxamed (Farmaajo), uu ka dhigi doono Ra’isul wasaaraha hase ahaatee waxaa soo baxaaya in shaqsiga xilkaasi loo magacaabi doono uu wato Sheekh Shariif maadaama uusan qabankarin xilkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com