Hoobiyayaal lagu weeraray Villa Somalia xili ay munaasabad ka socotay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho laga maqlayaa dhawaqa Hoobiyayaal dhowr ah oo aan la ogeyn halka laga soo tuuraayo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Hoobiyayaasha ay ku dhaceen Nawaaxiga Madaxtooyada Somalia oo iminka ay ka socto xil wareejinta, halka qaarna ay ku dhaceen xaafado ku yaalla qeybta danbe ee Madaxtooyada.

Madaxtooyada Somalia ayaa waxaa ka socta munaasabada xil wareejinta, waxaana halkaasi ku sugan mas’uuliyiin dhowr ah oo ay ku jiraan Beesha Caalamka kuwaa oo indha indheynaaya sida ay u dhaceyso xil wareejinta.

Hoobiyayaasha dhawaqooda la maqlay ayaa tirro ahaan dhan ilaa 5 xabo oo dhawaqiisa qalqal galiyay dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Waxaa hakad galay dhaqdhaqaaqii gaadiidka isticmaala wadada hormarta Madaxtooyada, iyadoo wadadaasi lagu daadiyay Ciidamo farabadan.

Ma cadda in Hoobiyayaasha qaar ay ku dhaceen Madaxtooyada iyo inkale, mana jirto cid ka hadashay Hoobiyayaasha ilaa iyo hadda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com